La wadaag aragtidaada

Ku soo dhawoow ka qaybgalka Sahanka Caadooyinka Socdaalka Ee Degganayaasha Helsinki 2025. Ujeedada daraasaddan waa in la ogaado isticmaalka hababka gaadiidka ee loo adeegsado safarka gudaha magaalada Helsinki. Sahanku wuxuu bixiyaa aragti ku saabsan sida dadka Helsinki u socdaan—lug, baaskiil, gaadiid dadweyne, baabuur gaar loo leeyahay, ama habab kale. Daraasada waxaa amartay oo ka shaqaysay Magaalada Helsinki waxaana fulinaysa Taloustutkimus Oy.

Waxaa si aan kala sooc lahayn lagaa soo xulay diiwaanka dadka. Ma jiro aqoon loo baahan yahay in hore loo lahaa si looga qayb-qaato. Ra’yigaagu wuxuu noo yahay mid muhiim ah.

Ka qaybgalka waa mid sahlan – ka jawaab sahanka adigoo isticmaalaya xiriirkan hoose.

Maxaa laguu doortay inaad ka qayb-qaadato sahanka?

Waxaan xogtaada ka helnay diiwaanka dadka ee Hay’adda Adeegyada Dijitaalka iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Ka qaybgalayaasha waxaa si aan kala sooc lahayn looga soo xulaa diiwaankaas.

Yaa ka qayb qaadan kara sahankan?

Qof kasta oo helay martiqaadkan wuu ka jawaabi karaa sahanka. Waxay qaadanaysaa qiyaastii 10 daqiiqo in la dhameeyo. Ka qaybgalka waa gebi ahaan ikhtiyaari, waxaadna joojin kartaa wakhti kasta haddii aad rabto.

Sidee ayaad uga jawaabi kartaa sahanka?

Waxaad uga jawaabi kartaa sahanka af Finnish, Swedish, English, Russian, Somali ama Arabic adigoo isticmaalaya kombiyuutar ama qalab gacanta lagu qaato. Dad qaba aragga oo daciifka ah waxaa ugu fudud in ay isticmaalaan qalabka gacanta lagu qaato.

Maxaa daraasaddan loo qabanayaa sideese natiijooyinka loo adeegsan doonaa?

Daraasadu wuxuu bixiyaa aragti ku saabsan sida dadka Helsinki u safraan—lug, baaskiil, gaadiid dadweyne, baabuur gaar loo leeyahay, ama habab kale. Marka laga soo tago habka gaadiidka, daraasaddan waxay sidoo kale baartaa tirada iyo ujeeddada safarrada.

Magaalada Helsinki waxay natiijooyinka u adeegsan doontaa horumarinta nidaamyadeeda gaadiidka.

 

 

Yaa qabta sahankan?

Sahanka waxaa amartay oo ka shaqaysay Qaybta Deegaanka Magaalooyinka ee Magaalada Helsinki. Ururinta xogta iyo soo bandhigista natiijooyinka waxaa fulisa Taloustutkimus Oy.

Haddii aad u baahan tahay caawimaad ama macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sahanka, fadlan nala soo xiriir.

Cinwaanka iimaylka ee Taloustutkimus: liikkuminen25@taloustutkimus.fi

Isha cinwaanada

Nidaamka Macluumaadka Dadweynaha / Hay’adda Adeegyada Dijitaalka iyo Diiwaangelinta Dadweynaha, Sanduuqa 123, 00531 Helsinki Xogta xiriirka lagu isticmaalay boostada waxaa laga soo qaatay Nidaamka Xogta Dadweynaha. Xogta looma gudbin qofka soo diray warqadda. Dirista boostada waxaa fuliyay Profinder isaga oo u badal ahaanaayo qofka soo diray.

Waxaan bilaabay sahanka onlayn ah laakiin waa inaan joojiyaa

Tani dhib maaha; waxaad xidhi kartaa sahanka oo dib ugu soo laaban kartaa wakhti kale.

Sirta xogta

Taloustutkimus waxay isticmaashaa magacaaga iyo cinwaankaaga, iyo sidoo kale macluumaadka luqadda, si ay kuu soo dirto warqadda martiqaadka. Macluumaadkan lama wadaago, lagumana xiro jawaabaha sahanka, waxaana si ammaan ah loo burburiyaa marka uu sahanku dhammaado. Ka qaybgalka sahanka kama dhalan doonto in aad hesho “spam”.

Taloustutkimus waxay duubtaa jawaabahaaga waxayna u ilaalisaa si qarsoodi ah. Jawaabahaaga waxaa loo farsameeyaa si aan magac lagu aqoonsan karin. Marka natiijooyinka la falanqaynayo, jawaabahaaga waxaa lagu daraa kuwa ka qaybgalayaasha kale ee sahanka.

Adigoo ka jawaabaya sahanka, ka qaybgaluhu wuxuu oggolaanayaa in jawaabihiisa loo isticmaalo ujeeddooyinka kor ku xusan. Macluumaadka xiriirka ee loogu talagalay tartanka abaalmarinta waxa loo adeegsadaa oo keliya tartankaas. Taloustutkimus ayaa masuul ka ah tartanka abaalmarinta.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida xogta loo isticmaalo iyo xuquuqdaada, booqo bogga internetka: https://www.taloustutkimus.fi/etusivu/tietosuoja.html

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir Sarkaalka Ilaalinta Xogta ee Taloustutkimus: tietosuoja@taloustutkimus.fi